Allbanaadir.com
NEWS

Meydadka 45 qof oo laga helay xeebaha Jabuuti

Ugu yaraan 45 qof oo tahriibayaal ahaa ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen xeebaha Jabuuti, kaddib markii laba doon oo ay la socdeen ay ku quuseen biyaha Badda Cas ee Bariga Africa, sidaasi waxaa sheegtay Laanta Socdaalka ee Qaramada Midoobay.

Laanta IOM waxay sheegtay, in doonyaha qarraqmay oo kasoo shiraacday xeebaha Yemen ay la socdeen ilaa 310 qof, isla markaana ilaa iyo hadda la badbaadiyay kaliya 32 ka mid ah muhaajiriinta.

Laanta Socdaalka ee Qaramada Midoobay ayaa intaasi ku dartay in ay hadda ay socdaan howlgallo gurmad ah oo ay wadaan adeegga gurmadka deg degga ah ee Dowladda Jabuuti, kuwaas oo lagu doonayo in lagu soo badbaadiyo dadka la la’yahay.

Wali lama shaacin heybta dadka muhaajiriinta ah ee ku dhintay xeebaha Jabuuti hase ahaatee waxaa loo badinayaa iney u badan yihiin Soomaali iyo Itoobiyaan

 

Related posts

Dowlada Soomaaliya oo si adag u beenisay Warar been abuur ah oo la faafiyay

Cabdi Cade

Midowga Yurub oo Hakiyay lacag badan uu siin lahaa Itoobiya iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Madaxweyne Putin oo booqasho ku tagay dal xubin ka ah Maxkamadda ICC

Cabdi Cade
Taboola Ads ---