Daawo Sawirro: Talyaaniga oo dib u dhis ku samayneysa Maxkamadda sare ee Dalka

Dawladda Talyaaniga ayaa ballan qaaday inay dib u dhis ku samaynayso xarunta Maxkamadda sare ee Dalka, ka dib kulan Maanta ay ka wada qaateen Guddoomiyaha Maxkamadda iyo Safiirka Talyaaniga.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka,mudan;  Baashi Yuusuf Axmed iyo Danjiraha  Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Mr; Carlo Campanile, ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo la xariirra xoojinta garsoorka Dalka, waxanay kormeereen qaybaha Maxkamadda ay ka kooban tahay.

Waxyaabaha ay kawada hadeleen ayaa waxaa ka mid ahaa dhismamaha iyo dib u tacatirka xarunta Maxkamada taasi oo  ay Dowlada Talyaaniga ballan qaadday in si dhaqsi ah loo bilaadi doona islamarkaana ay diyaar diyiin qaraashaadkii ku bixi lahaa, iyadoo laga shaqeynaayo in Maxkamaddu ay hesho dhisme ku habboon shaqada garsooska

Waxay sidoo kale ka wada hadleen Labada dhinac dib usoo celinta xariirki garsoorka Soomaaliya iyo Talyaaniga, taasi muuhiimad gaar ah siineyso sidii cilaaqaadka cusub uu ula  jaan qaadi lahaa arrimaha garsoorka Dalka

Waxaa ugu dambeynii laysla soo qaaday in howlwadeennada Maxkamadda ay helayaan tababarro  ku saabsan aqoor kororsi xagga garsoorka ah, taasi oo Dowlada Talyaaniga ay aqbashay in shaqaalaha ay tababarro u aadaan Dalkeeda, si loo dar dar galiyo howlaha garsooska Dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -