Allbanaadir.com
NEWS

Laftagareen oo si aan caadi aheyn Muqdisho loogu soo dhaweeyay (Sawirro)

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu Hogaaminayo, ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweyey garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho

Socdaalka Madaxweynaha ayaa ah ka qeybgalka shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo lagu wado inuu ka furmo Magaalada Muqdisho ee caasimada Dalka,kaasi oo looga hadli doono xaaladaha guud ee ka jira dalka

Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Labadda Aqal ee Baarlamaanka Dalka iyo Siyaasiyiin ayaa saf dheer ugu galay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho soo dhaweynta wafdiga Madaxweyne Laftagareen uu hoggaaminayey.

Madaxweyne Laftagareen oo khilaaf xooggan kala dhaxeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh , ayaa diidanaa in Muqdisho yinaado, hasa ahaatee dedaalo la sameeyay ayaa keenay in Laftagareen yimaado Muqdisho kana qeyb galo shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

Related posts

Kumanaan qof oo iskugu soo baxay baroordiiqda iyo aaska laacibkii geeriyooday ee Pele (Sawirro)

Caydiid Ali

Taliyaha Booliska DF oo aqbalay dalab xasaasi ah oo loo gudbiyey

Caydiid Ali

Madaxda Galmudug oo heshiis Is faham ah gaaray iyo Madaxweyne Farmaajo oo Bogaadiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---