Allbanaadir.com
NEWS

Taliyaha Booliska DF oo aqbalay dalab xasaasi ah oo loo gudbiyey

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa la kulmay Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa haweenka ku bogaadiyay kaalinta ay ka qaataan ka shaqeynta nabadda, horumarinta bulshada iyo xasilinta amniga guud ee dalka, isagoo u balanqaaday inuu tixgalin gaar ah siin doono codsigooda ah in haweenka booliska ku jira la dalacsiiyo, xilal sarena loo magacaabo.

Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa dhinaca kale tilmaamay in haweenka qaranka ay udub dhexaad u yihiin difaaca dhaxalka jiilasha Soomaaliyeed, madax-bannaanida iyo midnimada dalka, wuxuuna ku booriyay inay dadaalkooda halkaasi kasii wadaan.

Taliyaha waxaa kulanka ku wehlinayay G/le Qaali Axmed Cadaan  oo ah Taliyaha Hoggaanka Xiriirka Boliiska iyo Bulshada.

Related posts

Gantaal laga riday gudaha Siiriya oo bur buriyay Diyaarad ay leedahay Isra’il (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Ruushka oo dal carbeed ka qoranaya ciidamo uu u adeegsado dagaalka Ukraine

Caydiid Ali

Zahra Naaleeye: “Soomaaliya 30-kii sano ee u dambeeyay waa yaraaday gudniinkii gabdhaha”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---