Masuuliyiin & xoogag ka tirsan Al-Shabaab oo Jubadda hoose lagu duqeeyey

Ugu yaraan 11 dagaalyahan iyo saraakiil sar sare ee ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqeyn dayuuradeed oo ka dhacday degaanka Kamsuuma ee gobolka Jubada Hoose sida ay baahisay warbaahinta dowlada.

Duqeynta dadka lagu dilay ayaa waxaa ka mid ah sida dowladu sheegtay sarkaal dhawaan ay u soo magacaabeen Gobalka Banaadir, kaasoo lagu magacaabi jiray Subeyb.

Sidoo kale Xubno ka tirsan dagaalamayaasha  Al-shabaab ayaa lagu dhaawacay duqeynta Kamsuuma oo lagu beegsaday goob ay ku sugnaayeen saraakiil iyo masuuliyiin Al-Shabaab ka tirsan.

Diyaaradaha dagaalka Maraykanka oo weerarkan fuliyey ayaa kordhiyay duqeynta ay la beegsanayaan xubnaha ka tirsan Al-Shabaab, dhowaan ayeyna aheyd markii 60 ka tirsan Al-shabaab lagu laayey duqeyn ka dhacday gobolka Mudug sida Maraykanku sheegtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -