Ciidamo badan oo laga qaaday Kismaayo oo kusii jeeda Degmada Balad Xaawo

Maamulka Jubbaland ayaa wali wada abaabul dagaal ay ku doonayaan in ay dib ula wareegaan degmada Balad Xaawo iyo degmooyin kale oo katiran gobolka Gedo ay la wareegeen ciidamo ka amar qaata dowlada federaalka Soomaaliya.

Ciidamo badan oo maamulka Jubbaland ka qaaday magaalada Kismaayo ayaa la sheegay in ay gaareen degmada Dhoobley ee gobolka Jubadda Hoose, waxaana ciidankan Jubbaland dooneysaa in ay ku biiriso ciidamada Jubbaland ee jooga xadka Mandheera.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo hada ku sugan degmada Dhoobley ayaa la sheegay in halkaasi uu ka wado abaabul uu ku doonayo in ciidamo badan u diro dhinaca Balad Xaawo si ay garab u siiyaan ciidamada Jubbaland ee halkaas jooga.

Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ee dhawaan laga saaray degmada Balad Xaawo ayaa isku aruursanaya meel ku dhaw magaalada Mandheera, waxa ayna ciidankan doonayaan in mar kale dib ula wareegaan degmada Balad Xaawo.

Maamulka Jubbaland ayaa horey ciidamo ay uga direen magaalada Dhoobley waxa ay gaareen degmada Balad Xaawo duleedkeeda, waxa uuna maamulka Axmed Madoobe wadaa guluf uu ku doonayo in degmada Balad Xaawo iyo degmooyin kale soo ceshtaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -