Allbanaadir.com
NEWS

Sargaal katirsanaa Ciidamada maamulka Puntland oo la toogtay

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in kooxo hubeesan maanta toogasho ku dileen sargaal katirsanaa  ciidanka ilaalada dekadda Bosaso.

Goob joogayaal ayaa ku waramay in kooxo biskoolado ku hubeesan mehrad ku dhaw dekada magaalada Boosaaso ku dileen Xasan Xiir oo katirsanaa saraakiisha ciidanka ilaalada Dekadda Boosaaso.

Ciidamada amaanka magaalada Boosaaso ayaa gaaray halka uu dilku ka dhacay, waxaana goobta dilka ka dhacay la sheegay in ay ka baxsadeen kooxdii hubeesneyd ee dilka geesatay.

Magaalada Boosaaso waxaa ka dhaca dilal qorsheesan oo loo geesto askarta iyo shaqaalaha kale ee maamulka Puntland, waxaana inta badan dilalka magaaladaasi ka dhaca sheegta dagaalyahanada Al Shabaab iyo Daacish.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Somaliland oo si adag uga hadashay Agab Milatari oo Shiinaha ku wareejiyay DFS

Cabdi Cade

Raisul Wasaare Khayre oo dadweyne fara badan kala qeyb galay daawashada ciyaar xiiso badan (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Dibed baxyo kale oo maanta ruxay Magaalooyin ka tirsan dalka Iran

Caydiid Ali
Taboola Ads ---