Allbanaadir.com
NEWS

Somaliland oo si adag uga hadashay Agab Milatari oo Shiinaha ku wareejiyay DFS

Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay gaadiid nuuca milatariga iyo agab kale oo ciidamada milatariga loogu tala galay in ay isticmaalaan oo dowladda Shiinaha shalay ku wareejiyay dowladda federaalka Soomaaliya .

Agaasimaha Madaxtooyada Somaliland Mohamed Ali Bille ayaa sheegay in deeqdan milatari ee dowladda Shiinaha ku wareejisay Soomaaliya uu yahay daandaansi lagu doonayo in lagu carqaladeeyo xiriirka Somaliland kala dhaxeeya Ta’iwan iyo Mareykanka.

Waxa uu sheegay afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland in deeqdan Shiinaha ku wareejiyay dowladda Soomaaliya lagu soo beegay xilli madaxweynaha Somaliland socdaal ku marayo Mareykanka .

“Qalabka millatari ee Shiinuhu u diray ciidanka Soomaaliya, xilli uu Madaxweynaha Somaliland booqasho ku joogo dalka Maraykanka, ma aha wax iska yimi, balse waa daandaansi lagu carqaladaynayo xidhiidhka Somaliland ee Taiwan iyo xidhiidhka ka dhexeeya Maraykanka.” ayuu yiri Agaasimaha.

Hadalkan kasoo yeeray maamulka Somaliland ayaa kusoo aadaya xilli Shiinaha si weyn uga carooday xiriir maamulka Somaliland la sameestay maamulka Taiwan ee doonaya in Shiinaha ka go’aan .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=Qv0OYhZ9PxA

Related posts

Ra’iisul Wasaara Khayre oo Daah-furay Golaha Dhaqaallaha Qaranka (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Xamse oo baabi’iyey heshiis ay dhowaan kala saxixdeen Somalia & Turkiga (Akhriso)

Caydiid Ali

DF oo shaacisay fariimo loogu talo galay dadka ka soo gudbaya xuduudaha dalka (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---