Xiliga la qabanayo Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la shaaciyay

Waxaa dib u dhac ku yimid xiligii horey loo qorsheeyay in ay ku dhacdo doorashada Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kadib markii ay is casileen inta badan Guddigii doorashada Madaxweynaha.

Guddiga joogtada ee Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed oo maanta shir ku yeeshay magaalada Baydhabo ayey uga arinsanayeen dib u dhaca ku yimid doorashaa oo horey loo qorsheeyay in ay ku dhacdo 17-ka bishan oo ku beegan Sabtida.

Guddiga ayaa dood iyo falanqeyn kadib isku raacay in dib loo dhigo doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed, waxa ayna guddiga joogtada isku raaceen in doorashada dhacdo 28-ka bishan kahorna la dhameestiro guddiga doorashada .

Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya oo horey u aheyd mid indhaha lagu wada hayay lana wada sugayay ayaa xiiso beeshay kadib markii uu doorashada ka tanaasulay Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Madaxweynaha cusub uu yeelanayo maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa la filayaa in uu kusoo baxo musharax taageero balaaran ka heysta dowlada Federaalka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -