Muran iyo isqabqabsi fara badan oo maanta iyo Shalay hareeyey Xafiiska Raisul Wasaaraha Somalia

Isqabqabsi & muran fara badan ayaa maanta iyo Shalay hareeyey xafiiska Raisul Wasaaraha Soomaaliya ka dib markii Xoghayaha joogtada ah ee xafiiskaas Axmed Nuur Maxamed Cabdi uu isku dayey inuu xabsiga dhigo qaar ka mid ah shaqaalaha halkaas ka howlgala.

Falkan ayaa dhacay ka dib markii Shabakada Allbanaadir Online ay baahisay saacadihii la soo dhaafay war ku saabsan shaqaale qaab musuq ah lagu qoray oo uu ka dambeeyey xoghayaha joogtada ah, iyadoo Allbanaadir Online ay soo bandhigtay documents arrintaas cadeynaya.

Xoghayaha joogtada ah ee xafiiska raisul Wasaaraha Axmed Nuur Maxamed Cabdi oo ka carooday fadeexadan ayaa bilaabay inuu qabqabsado qaar ka mid ah shaqalaaha xafiiska oo uu ku tuhmay iney bixiyeen xogta iyo warbixinta laga faafiyey.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku dhow xafiiska Raisul Wasaaraha ayaa sheegaya in Xoghayaha joogtada ah uu amar ku bixiyey in xabsiga la dhigo qaar ka mid ah shaqaalaha balse waxaa arintaas ku gacan seyray saraakiisha amniga oo ku dooday in cadeyn la’aan aan qofna la xiri karin.

Shaqaalaha qaarkood ayaa sheegay in la baaray xafiisyadooda iyo mobiladooda gacanta, iyadoo laga raadinayey cadeymo la xiriira suuragalnimada iney bixiyeen qoraalada ay soo bandhigtay Allbanaadir online ee la xiriiray shaqaalaha qaabka musuqa ah loo qoray.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in fadeexada ku soo baxday xoghayaha joogtada ah ay gaartay raisul Wasaare khayre oo xubno ka tirsan Saraakiisha xafiiskiisa amar ku siiyey iney baaraan qaabka lagu keenay shaqaalaha uu qoray xoghayihiisa joogtada ah si looga sal gaaro eedeymaha soo baxay.

Xubno ka tirsan Madaxtooyada Somalia ayaa sheegay in Raisul Wasaare Khayre oo aad u neceb yahay musuqa iyo qabyaalada uu wacad ku maray inuu shaqada ka ceyrin doono xoghayiisa joogtada ah haddii baaritaanka socda lagu soo cadeeyo in qaabka qaldan loo qoray Shaqaalaha uu keenay.

Maamulka shabakada Allbanaadir Online ayaa u balan-qaadaya akhristayaashiisa inuu Maalmaha soo socda u soo gudbin doono warbixino xasaasi ah oo ku saabsan musuqa ka jira masuuliyiinta hoose ee ka shaqeysa xafiiska raisul Wasaaraha dalka.

Warkii hore Hoos ka aqriso 

Xoghayaha joogtada ee xafiiska RW Somalia oo musuq-maasuq lagu eedeeyey (Akhriso Cadeyn)

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -