Banaan bax balaaran oo maanta ka dhacay magaalada Kismaayo (Daawo Sawirada)

Waxaa maanta magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ka dhacay banaan bax balaaran oo roob doon iyo Alle bari ah oo  ay dhigayeen qaar kamid ah shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo .

Boqolaal dadweyne ah ayaa isugu soo baxay wadooyinka magaalada Kismaayo iyo goob weyn oo barxad ah si ay uga qeyb galaan banaan baxan roob doonka iyo alla bariga ah ay soo qaban qaabiyeen Wasaaro katirsan maamulka Jubbaland.

Banaan baxayaasha ayaa dukaday salaad Alla Barri ah, waxa ayna ilaha weediisteen in roob u keeno sidoo kale ka dul qaado abaarta baahsan ee ka jira deegaanada Jubbaland ee saameesay dad iyo duunyo.

Masuuliyiintii ka hadlay banaan baxa alla bariga ah ayaa ugu baaqay shacabka in ilaah loo soo laabto ayna weediistaan Ilaahey in uu ka dul qaado dhibaatooyinkan abaarta ugu horeeso .

Qaar kamid ah Deegaanada maamulka Jubbaland ayaa waxaa ka jira abaaro dad iyo duunyo saameyn ku yeeshay, waxaana dadka ay abaarahan saamedeyeen qaarkood adkaaday in gurmad iyo gar gaar la gaarsiiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -