Allbanaadir.com
NEWS

Golaha Shacabka oo loo gudbiyay Hindise Sharciyeed xasaasi ah

Xildhibaanada Golaha Shacabka  oo maanta kulan yeeshay ayaa akhrinta koowaad marsiiyay Hindise Sharciyeedka Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana kulanka shir guddoominaayay Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo ay wehliyaan masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda ayaa mudanayaasha Golaha Shacabka faahfaahin ka siiyay Hindise Sharciyeedka Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed iyo muhiimada uu dalka u leeyahay.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa aragtidooda ka dhiibtay hindise sharciyeedkan, muhiimada uu leeyahay, iyagoo talooyinkooda ku biiriyay, waxaana Xildhibaanada qaar ay su’aalo ka keeneen qodobada ku jira hindise sharciyeedkan oo uu ka mid yahay magaca hindise sharciyeedka

Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo kulanka soo xiray ayaa amray in hindise sharciyeedkan lagu wareejiyo guddiga ku shaqada leh si uu usoo diyaariyo akhrintiisa labaad dibna Golaha ugu soo celiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Baaritaan guri guri ah oo ka socda Xaafadaha Belad-weyne & Sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Midowga Musharaxiinta oo Digniin adag u diray Gudoonka Golaha Shacabka

Cabdi Cade

Nin Kenyan ah oo lagu dilay Boosaaso iyo Faah faahino kasoo baxaya dilkiisaa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---