Labo Duuliye oo Diyaarad hawada ku jirta ku dhax dagaalamay

Labo Duuliye oo ka shaqeenayay Diyaarad ay leedahay Shirkada diyaaradaha ee Jet Airwas ayaa ku dhax dagaalamay shirka Diyaarada ama halka laga wado xili ay Diyaarada hawada ku jirtay.

Shirkada Jet Airwas ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in shaqada laga joojiyay labo duuliye oo ku dhax dagaalamay Diyaarada ay leedahay xili ay hawada ku jirtay, waxaana baaritaano ku socdaan duuliyaasha dagaalamay.

Diyaarada lagu dhax dagaalamay  waxaa saarnaa 324 qof oo isugu jiray rakaab iyo shaqaale, waxa ayna diyaarada ka duushay dalka Igriiska  iyadoo kusii jeeday magaalada Mombai ee dalka Hindiya.

Shirkada Jet Airways ayaa sheegtay in labo kamid ah duuliyaasheeda ay diyaarada gudaheeda isku maandhaafeen habeenkii sanadka cusub, waxa ayna shirkada sheegtay in ay ka xun tahay waxa dhacay.

Warbaahinta dalka Hindiya ayaa ku warantay in dhacdadan  timid ka dib markii duuliye nin ah uu dhirbaaxay duuliye kale oo dumar ah , haweeneyda la dharbaaxay ayaana qeybta diyaarada laga wado isaga soo tagtay inkastoo markii dambe ay ku laabatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -