Allbanaadir.com
NEWS

Ogow halka arrin ugu weyn ee isku hayaa Villa Soomaaliya iyo Laftagareen iyo wadahadallo…

Magaalada Baydhabo ee xaruunta ku meel-gaarka u ah maamula Koonfur galbeed Soomaaliya waxaa ka socxda kulmo ay yeelanayaan raysal wasaaraha soomalaiya oo hakaa shalay gaaray iyo madaxweynaha maamulkaas.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlaya arrimo dhowr ah sida khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo Koonfur Galbeed iyo arrimo kale sida dagaalka Al-Shabaab.

Waxa ugu weyn ee ay isku hayaan ayaa ah in madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen uu rabo inuu isagu si madax bannaan u maamulo doorashada soo aaddan, halka dowladda federaalku ay rabto in guddiga Qaranku uu maamulo doorashada mamaulkaas.

Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa maalin ka hor ugu baaqay mas’uuliyiinta iyo siyaasiinta kala duwan ee Soomaaliya in ay meesha ka saaraan khilaafka iyo kala aragti duwananata u dhaxeeysa maadaama buu yiri xilli adag lagu jiro.

Dhawwaan ayay ahayd markii madaxweyne Lafta Gareen uu taageeray dadka magaalada Xudur ee gobolka Bakool oo dhawaan dhigay dibadbax lagu taageerayay sii joogi taanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya, xilli dowladdu ku adkeysanayo in ay dalka ka baxayaan haddii aaney Itoobiya ka laaban heshiiskii is af-garadka ahaa ee ay la gashay Somaliland

Related posts

Somaliland oo qoraal xasaasi ah u dirtay beesha caalamka

Caydiid Ali

Kulan looga hadlayo Qodob culus oo la iskugu yeeray Xildhibaanada Golaha shacabka

Caydiid Ali

Madaxweynihii hore ee Kenya oo lagu xukumay inuu bixiyo 10 Milyan oo dollar

Caydiid Ali
Taboola Ads ---