Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Soomaaliya oo maanta lagu wareejiyay gargaar raashin ah

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka, Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta munaasabad kooban oo ka dhacday Bakhaarrada keydka SoDMA waxa uu Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya dalkeenna Wang Yu, kala wareegay gargaar raashin ah oo ka badan 1,300 oo tan.

Gargaarkaan ayaa dowladda Shiinaha waxa ay ugu talagashay in la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed ee xaaladaha adag wajahaya, looguna diyaar garoobo abaarta la saadaalinayo ee La Niña, mana ahan markii ugu horresay ee Dowladda Shiinaha gargaar kan lamid ah ay soo gaarsiiso Soomaaliya.

Gudoomiyaha Hay’adda SoDMA, Maxamuud Macallin oo khudbad kooban ka jeediyay munaasabadda la wareegidda rashinkan ayaa uga mahadceliyay shacabka, dowladda iyo safiirka Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya gargaarkaan, iyo sida ay marwalba u dhowraan ilaalinta madaxbannaanida dalkeenna.

Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya oo dhankiisa hadlay ayaa sheegay inuu guddoomiyaha uga mahad-celinayo dadaalkisa u gurmashada shacabka, isaga oo xusay in waqti walba u taaganyihiin caawinta walahooda Soomaaliyeed.

Hussein Mohamed Ali

Related posts

Hogaamiyaha Mucaaradka Siiriya oo hadalkii u horeeyey jeediyey

Caydiid Ali

Xarun ay laheyd Shirkadda Hormuud oo la gubay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Ma doonaysaa in caruurtaadu bartaan Higaadda, Quraanka & Caqiidada islaamta inta lagu jiro wakhtiga Summer-ka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---