Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo arrimo muhiim ah kala hadlay Pier Mario Daco

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta la kulmay Danjiraha Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Mudane Pier Mario Dacò Copp.

Xamse Barre iyo Danjiraha dowladda Talyaaniga u jooga Soomaaliya ayaa waxa ay kulanka ay yeeaheen uga wada hadleen arrimo dhowr ah ay kamid yihiin xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey dowladda Talyaaniga taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed,gaar ahaan barnaamijka sanduuqa nabaddeynta iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.

Dowladda Talyaaniga oo horey usoo gumeysatay Soomaaliya ayaa kamid ah dowladaha sida weyn u taageera dalkeena, waxa ayna dowladda ka taageeraan dhinacyo kala duwan ay kamid yihiin dhanka ciidanka .

Related posts

Askar CCTV duubtay iyaga oo dhac u geesanaya Carwo oo xukun adag lagu riday (Sawirro)

Cabdi Cade

DF oo ka cabaneysa duruufo dhaqaale & Masuuliyiin sare oo dacwad laga gudbiyey

Caydiid Ali

Go’aan uu dhowaan qaatay Rooble oo laga dhabeeyey iyo ciidamada Galmudug oo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---