Askar CCTV duubtay iyaga oo dhac u geesanaya Carwo oo xukun adag lagu riday (Sawirro)

Maxkamada darajada koobaad ee ciidamada qalabka sida ayaa xukun ku riday labo askari oo ka kala tirsanaa ciidanka booliiska iyo Asluubta, kuwaa oo dhac u geestay carwo lagu iibiyo qalabka Electronica oo kutaala magaalada Muqdisho.

Faarax Cabdullaahi Calasow (Faaraxey)  iyo Maxamed Abshir Maxamed (Camey) ayaa kasoo muuqday Kaamirada Qarsoon ee CCTV iyaga oo dhac u geesanaya  Carwa Kaah Electronic oo ku taal degmada Hodan gaar ahaan Taleex 29-kii June Sanadkan.

Labadan askari oo wajiyada qarsaday xiliga ay dhaca geesanayeen ayaa alaabta ay carwada ka dhaceen oo u badnaa Moobeelo qaali ah lagu qiimeeyay lacag gaareysa $12,945 Dollar.

Ciidamada amaanka ayaana maalmo kadib markii baraha bulshada lagu baahiyay muuqaalka dhacan ay geesteen askarta waxa ay ku guuleesteen in ay aqoonsadaan soona xiraan Faarax Cabdullaahi Calasow halka askariga kalana uu baxsaday.

Maxamed Cabdullaahi Khaliif oo kamid ah Xeer Ilaaliyaasha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku eedeeyay labada eedeysane ee midi baxsadka yahay in ay magaallada dhac baahsan ka  gaysteen balse ay tahay Camerada kaah meesha kaliya ee laga helay cadayntooda, waxa uu sidoo kale soo bandhigay dambiya kale oo uu gaystay eedeysanaha Maxkamadda hor taagan sida dhaawac uu hore dhibane ugu gaystay.

Askariga baxsadka ah oo lagu magacaabo Dable Asluub Maxamed Abshir Maxamed “Camey” ayay Maxkamadda amar soo qabasho iyo hor keenis maxkamadeed ah u jartay hay’adaha amniga 26-kii September sanadkan.

Qareenka u dooday eedeysanaha ayaa Maxkamadda ka hor sheegay in ay diyaar u yihiin in ay kala xaalaan Carwa Kaah magta qaybtooda, sidaas darteed ay Maxkamadda ka ogolaatay in laga qafiifiyo xukunka.

Garsoorayaasha Maxkamadda oo fursad u siiyay dhinacyada dacwadda kaalintooda Maxkamadeeda ayaa ugu dambayn maanta kuwada xukumay Faarax Cabdullaahi Calasow “Faaraxey”  iyo Maxamed Abshir Maxamed “Camey” oo maqana ah min 10 sano oo xabsi ciidan ah iyo bixinta qiimaha lacageed ee ku xusan Dambiga ay galeen sida dhinacyada dacwadda uu u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Garsoorayaasha heerka Koowaad ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanayaasha ayaa haysta fursad ay ku dalban karaan Rafcaan muddo ku siman 30 cisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -