Allbanaadir.com
NEWS

Qaraxyo caawa laga maqlay qeybo ka mid ah Muqdisho

Qaraxyo xoogan ayaa caawa laga maqlay magaalada Muqdisho qeybo ka mid ah kuwaasoo faahfaahino kala duwan ay ka soo baxayaan.

Meelaha qaraxyada laga maqlay waxaa ka mid ah degmooyinka Xamar weyne, Boondheere, Warta nabada iyo Yaaqshiid sida ay sheegayaan warar illaa hadda na soo gaaraya.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxyadan ay yihiin hoobiyeyaal la soo tuuray, hase ahaatee laamaha amaanka ayaa ku waramaya qaraxyadan inay ahaayeen kuwo dheemish ah oo amniga lagu khal khal gelinayo.

Meelaha qaraxyada laga soo sheegay waxaa ka mid ah guryo ku yaalla xaafada isku raran ee degmada Xamar weyne oo ku dhow guriga Hooyooyinka.

Muuqaalo lagu soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya burbur xoogan oo gaaray dhowr guri inkastoo aan la soo sheegin illaa hadda khasaare nafeed oo ka dhashay.

Laamaha amaanka ayaa wada dedaalo lagu dabagalayo halka laga soo tuurayo hoobiyeyaashan oo la aaminsan yahay iney ka dambeyso Al shabaab oo falalka noocan ah looga bartay.

Related posts

Sacuudiga & Mareykanka oo soo geagebeeyey heshiis soo jiray 80 sano

Caydiid Ali

Warar kala duwan oo kasoo baxaya xaalada iyo halka uu joogo Madaxweyne John Magufuli

Cabdi Cade

Muxuu Agaasime Koofi ku soo arkay xarumaha Heyadda socdaalka ee Boosaaso? (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali