Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Nabadoon caan ah oo caawa lagu dilay Beled-weyne & Wararkii ugu dambeeyey

Magaalada Belad-weyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa caawa lagu dilay mid ka mid ah nabadoonada caanka ah ee magaaladaas ka dibĀ  markii ay weerar ku soo qaadeen rag bastoolado ku hubeysan.

Nabadoon Cismaan Yuusuf Ciiley ayaa xilliga la dilayay waxaa uu ka soo baxay Masjidka Al-Hudda oo ku yaalla Xaafada Howlwadaag ee magalada Baladweyne halkaasoo uu salaadii cishaha ku soo dukaday.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in ragga dilay Nabadoonka oo labo nin ka koobnaa ay goobta ka baxsadeen.

Ciidamada amaanka ayaa daqiiqado ka dib gaaray goobta dilku ka dhacay oo howlgalo ay ka sameeyeen, lamana sheegin dad ay u soo xireen dilka nabadoonkan.

Maamulka gobolka Hiiraan ayaan ka hadlin dilka nabadoonkan oo caawa si weyn looga hadal hayo magaalada Beled-weyne lamana oga illaa hadda sababta loo dilay, sidoo kalena ma jirto weli cid sheegatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Faahfaahin: Nooca Doorasho ee lagu go’aamiyey Shirkii Dhuusamareeb (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Warqadaha Aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Qatar (Sawirro)

Cabdi Cade

Xog cusub oo laga helay Qarixii maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---