Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Wararkii ugu dambeeyey Dhuusamareeb & Odayaasha dhaqanka Galmudug oo..

Odayaasha dhaqanka Galmudug ayaa bilaabaya soo xulista Xildhibaanadda ka mid noqonaya Baarlamanka labaad ee Dowlad Goboleedka Galmudug, kaddib markii tababar ku saabsan qaabka soo xulista Xildhibaanadda loogu soo gabagabeeyay magaalada Dhuusamareeb.

Wararka ayaa sheegaya in odayaashan la xareeyay islamarkaana laga sugayo in ay soo gudbiyaan liiska Xildhibaanadda cusub ee ka mid noqonaya Baarlamanka labaad ee Galmudug.

Gudoomiyaha guddiga Farsamada ee maamul u sameynta Galmudug ayaa ku booriyay odayaasha inay ku soo xulaan Xildhibaanadda aqoontooda, isagoo intaasi ku daray in la abaalmarin doono sadexda beelood ee ugu horeysa soo xulista Xildhibaano Aqoonyahano ah.

Marka laga reebo Ahlusunna oo soo gudbisay Xildhibaannadeeda waxaa odayaashan looga fadhiyaa in ay soo xulaan Xildhibaanadda kale, iyagoo ku jaangooynaya habka awood qeybsiga beelaha dega Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Hay’adda Duulista Rayidka iyo ICAO oo kawada hadlay arrimo badan oo muhiim ah

Cabdi Cade

Cabsi laga qabo doorashada Xubnaha Aqalka sare ee Jubbaland & Ikraan Tahliil oo..

Caydiid Ali

Ciidamada AMISOM oo dilay dad isku qoys ah kaddib Cabsi xooggan oo lasoo daristay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---