Allbanaadir.com
NEWS

Turkiga oo qabtay xubin ka tirsanaa Sirdoonka Israel

Sirdoonka Turkiga ee MIT ayaa qabtay nin lagu magacaabo Liridon Rexhepi oo u dhashay Kosovo

Ninkan ayaa loo aqoonsaday in uu ahaa madaxa Isku xirka dhaqaale siinta Basaasiinta MOSSAD ee ku sugan gudaha Turkiga.

Dabagal lagu sameeyey, ka dib ciidanka Booliska ee Istanbul ayaa xiray, waxaana la aruuriyey dhammaan macluumaadkiisa

Jaajuusiinta uu lacagta siiyay iyo sawiro iyo xog ay MOSSAD u gudbiyeen bartilmaameedyo kale duwan ayaa loo diray gudaha Turkiga iyo dibadiisa.

Netanyahu maamulkiisa ayaa maalmo kahor sheegay inay dili doonaan madaxda kooxda wax iska caabinta reer Falastiin ee ku sugan gudaha Turkiga.

Related posts

C/wali Gaas oo fasiraad ka bixiyey hadal muran badan dhaliyey oo dhowaan ka soo yeeray

Caydiid Ali

Gabar Boqor dhalay oo Shaacisay in ninkeeda furtay

Cabdi Cade

Ciidamada Turkiga oo xir xiray Boqolaal qof oo laga shakiyay iyo howlgal wali socda

Cabdi Cade