Allbanaadir.com
NEWS

Qarax la fashiliyey oo abaal marin lacageed lagu bixiyey (Sawirro)

Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ee degmada Afmadow ayaa maanta howlgal ay saameeyeen ku fashiliyay miino nooca dhajiska oo ay kooxda Al shabaab la damacsanaayeen ciidanka

Gaashaanle dhexe Mahad Maxamed Islaam Taliyaha ciidanka Daraawiishta Jubbaland ee degmada Afmadow ayaa abaal marin lacageed dhan 3000$ guddoonsiiyay muwaadinkii soo gudbiyay xogta  qaraxaas.

Dowladda Jubbaland ayaa u ballan qaaday abaal marin lacageed, qof walba oo soo gudbiya xog wax ku ool ah oo ku saabsn falalka ay damacsan yihiin Al shabaab.

Shalay ayey aheyd markii taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka uu balanqaaday askarigii keehna madaxa xubin ka tirsan Al shabaab in la siinayo abaal marin lacageed oo gaareysa 5 kun oo Dollar.

Dhinaca kale, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Dowladda Jubaland ee gobalka Gedo Gen Cabaas Ibraahim Gurey oo ku sugan degmada Ceelwaq ee gobalka Gedo ayaa maanta xerada ciidanka Daraawiishta ee degmada Ceelwaq kula hadlay, Gutaada 3-aad ee ciidanka Daraawiishta Jubaland.

Ciidankan oo dhawaan tababarkii loo soo xiray ayaa ka qeyb qaadan doona howlgalada Argagixisada looga xoreenayo deegaanada Jubbaland.

Related posts

Qarax weyn oo ka dhacay degaanka Dhoobley iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Abiy Axmed oo War cusub kasoo saaray dagaalka ka socda gobolka Tigrey

Cabdi Cade

Dowladda Sweden oo gacan galisay Turkiga nin ay si weyn u doon doonayeen

Cabdi Cade