Allbanaadir.com
NEWS

Golaha Wakiillada Somaliland oo diiday xasaanad ka xayuubinta Xil: Abiib

Golaha Wakiillada maamulka Somaliland oo saakay kulan ku yeeshay magaalada Hargeysa , ayaa iska diiday qorshe ay wadatay xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi oo dooneysay in xasaanaada laga xayuubiyo xildhibaan Maxamed Abiib oo shalay Hargeysa lagu xiray.

Xeer ilaalinta maamulka Somaliland ayaa golaha Wakiillada horgeesay qorshaha xasaanad ka xayuubinta Xildhibaan Maxamed Abiib, hasa ahaatee xildhibaanada oo cod gacan taag ah u qaaday xasaanad ka xayuubinta xildhibaanka ayaa si aqlabiyad ah u diiday.

Kulanka golaha Wakiillada oo saakay soo xaadireen 57 xildhibaan ayaa waxaa diiday in xasaannada laga qaado xildhibaan Maxamed Abiib 51 mudane, waxaa ogolaatay saddex xildhibaan, waxaa ka aamusay labo xildhibaan, halka guddoomuyaha golaha uusan isagu codeyn.

Guddoomiyaha golaha Wakiillada Somaliland ayaana sheegay in xildibaanada si cad u diideen in xasaanadda laga qaado xildhibaan Maxamed Abiib, oo shalay garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa laga xira xilli uu kasoo degay.

Golaha Wakiillada ayaana xalay qoraal ay soo saareen sharcidarro ku tilmaamay xariga loo geestay xildhibaan Maxamed Abiib, waxa ayna ciidamada ammaanka ugu baaqeen in si deg deg ah xildhibaanka xuriyaddiisa loogu soo celiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo mar kale ka baaqday Shirka Golaha Guud Q/M iyo sababta ka dambeysa

Cabdi Cade

Ciidamada Gor Gor oo muujiyay awoodooda iyo Guushii ay ka gaareen weerarkii Owdheegle !!

Cabdi Cade

Qaraxyo caawa laga maqlay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---