Allbanaadir.com
NEWS

Dowlad weyn oo amartay in dalkeeda laga manuuco barta X iyo ganaax …

Dowladda Brazil ayaa dalkeeda ka mamnuuceysa isticmaalka barta X ee horey loo oran jiray Twitter, kaddib markii maamulka sare ee bartaasi ay ka biyo diideen amaro kasoo baxay dowladda Brazil oo lagu dalbanayay in ay xiraan akoono kala duwan.

Maxkamadda sare ee Brazil ayaa amartay in la xiro barta X lagana mamnuuco guud ahaan dalka Brazil, waxaana maxkamadu lagu ganaaxaya qof kasta oo isku daya inuu nidaamka xannibaada ka gudba ee VPN u adeegsado si uu u booqdo bartan $8,874 maalintii.

Go’aankan dowladda Brazil dalkeeda uga mamnuuceyso isticmaalka barta X , ayaa timid kaddib markii milkiilaha bartaasi uu diiday amar dowladda ku dooneysay in akoonada bartan ku leeyihiin looga xiro xubno badan oo kamid ah taageerayaasha Madaxweynihii hore ee dalkaasi.

Milkiilaha mayalka adag ee barta X Elon Musk, ayaa si cad u sheegay in uu diiday amarka kasoo baxay dowladda Brazil, waxa uuna Musk sheegay in amarkaasi dowladda kasoo baxay uu yahay mid la doonayo in lagu caburiyo xuriyadda hadalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirka cusub ee ganacsiga iyo warshadaha oo lagu soo dhoweeyay Muqdisho(Daawo Sawirada)

admin

Labo Nin oo Ilmo Adeer ah oo dagaal qaraar oo dhax maray isaga jaray labo Gacmood !!

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo lagu dhaliilay qaabka uu uga hadlay Mashruuca Baxnaano

Cabdi Cade
Taboola Ads ---