Labo Nin oo Ilmo Adeer ah oo dagaal qaraar oo dhax maray isaga jaray labo Gacmood !!

Dhacdo dad badan layaab iyo anfariir ku noqotay ayaa ka dhacday deegaan lagu magacaabo Alkali oo kuyaala gobolka Yobe ee dalka Nageria, kadib markii labo nin oo ilmo adeer ah dagaal qaraar uu dhax maray.

Dagaalka dhax maray labadan nin ee ilmo adeerka ah ayaa la sheegay in ay isku adeegsadeen masaaro midkasta uu watay, waxaana la sheegay in dhaawacyo culus dagaalka isku gaarsiiyeen.

Afhayeenka booliiska gobolka Yobe, Dungus Abdulkarim, ayaa warbaahinta u sheegay in labada nin ee dagaalamay isla dhaceen masaaro, waxa uuna xusay in labada nin mid kastaahi midka kale hal gacan ka jaray.

Labadan nin dagaalamy oo da’dooda lagu sheegay 25-sano jiro ayaa iyaga oo qaba dhaawacyo culus loo qaaday isbitaal, waxaana warar soo baxaya sheegaya in dagaalkooda salka ku hayo dhul beereed.

Dhacdadan ayaana noqotay mid dad badan ka argagaxeen si weyna looga hadal hayo Waqooyi Bari dalka Nageria, waxaana maamulka degmada Isbitaalka geeyeen labada gacmood ay iska jareen ragan walaalaha ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -