Allbanaadir.com
NEWS

Xukuumadda oo ka hadashay tallaabo ay qaadeen ciidamada ammaanka

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada Soomaaliya Xildhibaan Khadiijo Al Makhzuumi, ayaa looga hadlay xarig ciidamada ammaanka u geestenĀ  nin dhallinyaro ah oo lagu eedeeyay in cagaf ku jaray geedo ku yaallay degmada Dayniile.

Wasiirka ayaana bogaadisay tallaabada ay ciidamada ammaanka kusoo xireen ninka jaray geedaha ku yaallay degmada Dyaniile, waxa ayna sheegtay in ninka la xiray uu ku xadgudbay deegaanka kana shaqeeyay nabaadguur .

Warka kasoo baxay Wasaaradda Deegaanka ayaana looga digay dadka Soomaaliyeed in ay jaraan geedaha nacfiga u leh umadda Soomaaliyeed, waxa ayna wasiirka sheegtay in ciddii ku xadgudubta geedaha nacfiga leh in laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Talyaaniga oo cudurka Coronavirus u karantiilay 16 Magaalo (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidamada Sudan oo awood ku qabsatay dhul ay isku heestaan dalka Ethiopia

Cabdi Cade

Madaxweyne Muuse Biixi oo mar kale Digniin adag u diray Maamulka Puntland

Cabdi Cade
Taboola Ads ---