C/raxmaan C/shakuur: “Weerarka la igu soo qaaday wixii ka yimaada Farmaajo ayaa qaadaya”

Hogaamiyaha xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa shaaciyey in ciidamo ka amar qaata Farmaajo ay caawa weerar ku soo qaadeen hoyga uu ka degan yahay Muqdisho oo ku yaalla nawaaxiga KM4.

C/raxmaan C/shakuur ayaa xusay in haatan gurigiisa oo weerar ku socdo ayna la joogaan xildhibaano iyo siyaasiyiin ugu tegay wadatashi ku saabsan xaalada Muqdisho.

“Ciidanka Farmaajo ayaa weerar ku soo qaaday hoyga aan ka deganahay Magaalada Muqdisho. Waxaan horay uga dignay in ciidanka loo adeegsado siyaasada. Waxaa ila jooga xildhibaano iyo siyaasiyiin iigu yimid afur iyo wadatashi. Wixii dhib ah ee ka yimaada  weerarka waxaa qaadaya Max’ad Farmaajo,” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook.

Dagaal culus ayaa caawa ka socda wadada xiriirisa Km4 iyo Tarabuunka kaasoo dhexmaraya ciidamada dowlada iyo ciidamo ka tirsan mucaaradka oo ay horkacakayaan  Jen. Saadaq John iyo Yuusuf Indhacadde, waxaana dagaalka xoogiisa uu ka socdaa guriga C/raxmaan C/shakuur oo ku yaalla agagaarka madaxtooyadii hore ee C/qaasim.

- Advertisement -