Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo qaadaneysa Macaliim cusub iyo Shuruud ku xiran

Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale shaacisay in ay qaadanayaan macalimiin cusub oo gaaraya 3,000, kuwaa oo laga kala qaadanayo dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Wasaaradda ayaana sheegtay in macalimiinta la doonayo ee gaaraya 3,000 oo macalin loo baahan yahay in ay wax ka dhigaan iskuulada dowladda maamusho, waxaana goobaha macalimiinta laga qaadanayo sanandkan ku jirta deegaannada Khaatumo State.

Macalikiinta soo codsada shaqada macalinnimo ee wasaaradda soo bandhigtay ayaa waxaa horyaala shuruudo adag, kuwaa oo ah in ay galaan saddex imtixaanno looga qaadayo dhowr nuuc sida  imtixaan laga shaqeenayo iyo wareysi.

Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya ayaa horey u qaadatay macalimiin badan oo wax ka dhiga iskuulada dowladda, waxaana fursadan mar kale ka faa’iideysan doona macalimiin badan oo shaqo la’aan dalka ku heesatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni oo ka hadlay kulankii dhax maray Qoor Qoor iyo Xaaf

Cabdi Cade

Korontada, Biyaha & Internetka oo laga jaray Jigjiga & Meydad jidadka dhex yaalla

Caydiid Ali

Bangiga Dhaxe ee Dalka oo Warqad Ogolaansho ah siiyay Labo Bangi oo Caalami ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---