Allbanaadir.com
NEWS

Qarax Khasaaro kala duwan dhaliyay oo caawa ka dhacay magaalada Buuhoodle

Warar aan goordhaw ka helnay magaalada Buuhoodle ee gobolka Sool ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay qarax xoogan oo dhaliyay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu haleelay gaari ay la socdeen masuuliyiin katirsan maamulka Khaatumo, waxaana qaraxan uu ahaa mid xoogan oo inta badan laga maqlay magaalada Buuhoodle.

Inta la xaqiijiyay labo qof ayaa ku dhintay qaraxan halka ay ku dhaawacmeen afar qof oo kale, dadka ay waxyeeladu kasoo gaartay qaraxa waxaa ku jira masuuliyiin katirsan maamulka Khaatumo.

Wali lama oga in qaraxan uu ahaa nuuca miinada dhulka lagu aaso ama mid gaariga lagu xiray, waxaana qaraxa kadib magaalada soo buux dhaafiyay ciidamo badan kuwaa oo howlgalo wada.

Magaalada Buuhoodle ee gobolka Sool ayaa kamid aheyd magaalooyinka nabdoon ee ka nabad galay qaraxyada,  ma jirto cid sheegatay masuuliyada qaraxan khasaaraha kala duwan dhaliyay.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Dhagarta ku duugan sababta Itoobiya u dheereyneyso Wadahadalka

Caydiid Ali

Madaxweyne Biixi oo Cafis u fidiyay in ka badan 590 Maxbuus oo ku xiran Xabsiyada Somaliland

Cabdi Cade

Ugandha oo looga digay weerar ka soo fool leh Shabaab

Caydiid Ali
Taboola Ads ---