Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne hore oo baaq kasoo saaray Dagaal beeleed socda

Deegaanka Yaaqbariweyne ee hoostaga degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaa labadii maalin ee lasoo dhaafay ka socday dagaal u dhaxeeyay maleeshiyaad deegaanka ah iyo ciidamada maamulka Koonfur Galbeed oo iyana garab ka helayay maleeshiyo beeleed kale.

Dagaalka ayaa dhaliyay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac, waxaana laga cabsi qabaa in dagaalka ka socda deegaanka Yaaqbariweyne uu sii xoogeesto ayna ka dhashaan khasaarooyin hor leh.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaallamaya deegaanka Yaaqbariweyne in ay xabbada joojiyaan, waxa uuna codsaday in wadahadalka fursad la siiyo baddelkii dagaal la gali lahaa.

Sheekh Shariif ayaa ugu baaqay odayaasha deegaanka iyo culumaa’udiinka in ay ka shaqeyaan sidii xal looga gaari lahaa colaada ka aloosan deegaanka Yaaqbariweyne, kana fogaadaan wax kasta oo dagaalka sii hurin kara.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Rabshado ka taagan magaalo uu Shiinuhu deked ka dhisay oo ku taalla dalka…

Cabdi Cade

Mid kamid ah Odayaashii soo xulay Baarlamaanka Soomaaliya oo Muqdisho lagu dilay

Cabdi Cade

Maamulka Gobolka Banaadir oo kahor yimid go’aankii Dhibcaha looga qaaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---