Allbanaadir.com
NEWS

Bankiga Horumarinta Islaamka oo Ballanqaad muhiim ah u sameeyay Dowladda Soomaaliya

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha bani’aadannimada iyo gurmadka abaaraha, Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kulan la qaatay Madaxweyne ku xigeenka bankiga horumarinta Islaamka Dr. Zamiir Iqbal.

Labada masuul ayaa ka wada-hadlay sida uu bankiga Islaamka gurmad degdeg ah oo maaliyadeed iyo kaalin qareemid uga gaysan lahaa abaaraha daran ee xilligaan ka taagan dalkeenna Soomaaliya.

Dr. Zamiir Iqbal oo ah ku simaha Madaxweynaha (IsDB), ayaa ballan qaaday in bankigu uu dowladda Soomaaliya kala shaqeyn doono gurmadka abaaraha iyo guud ahaan dadaallada looga hor tagayo in abaartu isku baddesho macluul laga soo waaqsan waayo.

Bankiga horumarinta Islaamka ayaa dhawaan u gurmaday bulshada nugul ee abaaraha iyo colaadahu saameeyeen ee dalka Afgaanistaan, si loo daboolo baahiyaha bani’aadannimo ee degdega ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaraxyo khasaaro geestay oo ka dhacay Degmada Dayniile iyo Faahfaahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Dhaqtarad caan ka aheyd gayiga Soomaaliya oo saakay geeriyootay

Cabdi Cade

Booliiska Gobolka Banaadir oo soo qabtay askari dil & dhaawac geystay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---