Allbanaadir.com
NEWS

Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya oo goordhaw gaaray Gobolka Gedo

Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya ay wehliyaan saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale ayaa goordhaw gaaray degmada Doolow ee gobolka Gedo, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay masuuliyiin iyo saraakiil katirsan dowlada Soomaaliya.

Wasiiradan gaaray degmada Doolow ayaa kala ahaa Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya, Wasiirka Cadaalada iyo Wasiirka Warfaafinta, waxaana la sheegay Wasiiradan in qiimeyn ku sameyn doonaan khasaaraha shacabka kasoo gaaray dagaalkii Beled Xaawo.

Sida aan wararka ku helnay Wasiiradan oo waqti kooban ku sugnaa Doolow ayaa uga sii gudbay degmada Belad Xaawo ee gobolka Gedo, waxaana marka ay gaaraan halkaasi la filayaa in ay la kulmaan masuuliyiinta iyo saraakiisha dowlada ee halkaasi jooga.

Safarka wasiiradan ku tageen gobolka Gedo ayaa kusoo aadaya xili dhawaan Degmada Belad Xaawo uu ka dhacay dagaal xoogan oo dhaliyay khasaaro kala duwan oo u dhaxeeyay ciidamada Dowlada federaalka iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Qatar oo soo saartay War-saxaafadeed tacsi loogu diray qoysas Soomaali ah

Caydiid Ali

War-Saxaafadeed caawa ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Somalia (Akhriso)

Caydiid Ali

Qaramada Midoobay oo digniin ka bixisay musiibo ku soo wajahan Bariga Afrika

Caydiid Ali
Taboola Ads ---