Allbanaadir.com
NEWS

Madaale oo wareejiyay raashin iyo buskut ciidamada loogu talagalay (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Deeq Raashiin oo ka timid Maamulada Degmooyinka Kaxda iyo Boondheere ku wareejiyay Haweenka Hormuudka u ah Ollolaha Hooyo u Hiili Qaranka ee lagu garab istaagaayo Ciidanka Qaranka Soomaaliya.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in Deeq-daan ay qeyb ka tahay qorshaha Maamulada Degmaaoyinka Gobolka Banaadir iyo Bulshada Caasimadda ay kaga qeyb qaadanayaan garab istaaga Ciidanka Qaranka “Ollolaha Hooyo u Hiili Qaranka” ee sahayda qalalan lagu gaarsiinaayo Ciidamada ku howlan dagaalka sifeynta kooxaha Khawaarijta.

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Feysal Caraale Afrax, Xildhibaano ka tirsan BFS iyo qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha Degmooyinka G/Banaadir ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadda uu Duqa Muqdisho ku wareejinayay Deeq-da.

Related posts

Maamulka gobolka Banaadir oo amray in laga guuro dhul kuyaalla Muqdisho

Cabdi Cade

Duufaan xoogan oo Khasaare ba’an ka geysatay gobol ka tirsan Mareykanka (Sawirro)

Caydiid Ali

Nin Dil dad badan ka naxeen ka geestay Muqdisho oo xukun adag lagu riday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---