Allbanaadir.com
NEWS

Duufaan xoogan oo Khasaare ba’an ka geysatay gobol ka tirsan Mareykanka (Sawirro)

Duufaan xoogan ayaa dhulka la sintay inta badan gobolka Oklahoma ee dalka Mareykanka

Muuqaalka hawada sare ayaa muujinaya baaxadda burburka ka dhacay Oklahoma kadib markii duufaano ay ku dhufteen gobolkan katirsan Mareykanka.

Dhismayaasha ayaa burburay, tobanaan kun oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa koronto la’aan ku nool.

Duufaanta ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan afar qof oo uu ku jiro ilmo yar.

Howlgalo nadaafadeed ayaa ka socday magaalada Sulphur, halkaasoo duufaantu ay dhulka la sintay dhismayaal, isla markaana ay jeexjeexday saqafyada.

Xaalad degdeg ah ayaa lagu soo rogay 12 gobol. Aqalka Cad ayaa sheegay in madaxweyne Joe Biden uu si buuxda u taageeray dowladda federaalka

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo Saacado kadib ka hadlay Dilka Madaxweynihii Chad

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo Warbixin ka dhageestay Guddi uu shaqo muhiim ah u diray (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan oo Saddex arrin kaga hadlay Khudbad uu ka jeeday Shirka Jaamacadda Carrabta (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---