Qoor-qoor oo daahfuray mashruuc cusub oo laga fulinayo Galmudug (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta daahfuray mashruuca biyoole oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Galmudug kaasi oo lagu qabtay xarunta Madaxtooyada Galmudug.

Xoola dhaqatada iyo beeralayda deegaannada Galmudug ayaa ka faa’iidaysanaya mashruucan hadii uu noqdo mid mira dhala, waxaana Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha Galmudug oo kaashanayso Wasaarado kale ay ku dadaalaysaa sidii howshaan loo horumarin lahaa.

Shirka oo ay ka soo qeyb galeen Wasaaradaha mashruucani uu quseeyo ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Galmudug mudane Cabdinaasir Geele Cilmi, isagoo sharaxaad ka bixiyey Mashruucaan oo uu xusay in uu socan doono muddo shan sano ah, ayna ka faa’iidaysan doonaan dadka u badan beeralayda iyo xoola dhaqatada.

Wasiirka Wasaarada Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug Maxamuud Cabdi Axmed (Kaarshe) ayaa tilmaamay in mashruucani yahay mid tijaabo ah, loona baahanyahay in laga Faa’iidaysto.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo mashruucaan si rasmi ah u daahfuray ayaa sheegay in uu yahay mid aad loogu baahnaa marka loo eego deegaannada Galmudug dhanka Biyaha, waxa uuna u mahadceliyey cid waliba oo kaalin ku leh mashruuca Biyoole.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -