Allbanaadir.com
NEWS

Mashruuc cusub oo laga hirgalinayo deegaannada Puntland

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka maamul goboleedka Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa xarunta Madaxtooyada kulan kula qaatay Saraakiil ka socday Hay’adaha Qaramada Midoobey ee UNDP and UNICEF.

Kulankan dhax maray Madaxweyne kuxigeenka Puntland iyo saraakiisha ka socotay haydaha Qaramada Midoobay ayaa looga hadlay arrimo farsamo oo la xiriira sidii loo hirgelin lahaa mashruuca dowladda-kaab oo dhowaan bilaabmaya.

Mashruucan cusub ee  dowlad-kaab  ayaa waxaa iska kaashanayaan maamulka Puntland iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay ee UNICEF, UNDP iyo UNHABITAT, waxa uuna mashruucan  xoojinayaa maamul daadejinta iyo horumarinta degmooyinka Puntland.

Maamulka Puntland oo xiriirka u jaray dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka shaqeenaya sidii mashaariicda ay maalgaliyaan Qaramada Midoobay si madaxbannaan uga hirgalin lahaayeen deegaannadooda, waxaana deegaannada maamulkaasi laga fuliyay mashaariic kala duwan .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaan ku waayay Xil Wasiirnimo oo loo magacaabay dhaar uu gefay !!!

Cabdi Cade

Daawo Video: “Qaran jabkii ugu waynaa ee dalka ka dhacay yaa sabab u ahaa..?!

admin

Ciidamada Ruushka oo galay caasimada Kyiev iyo dagaalo weli socda (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---