DEG DEG: Farmaajo oo War kulul ka soo saaray heshiiska Wasiirka Batroolka uu saxiixay

Madaxweynaha Somalia ayaa ka soo horjeestay heshiis uu magaalada London ku saxiixay wasiirka batroolka Somalia kaasoo dhigaya Wax soo saar Wadaag 7 xirmood oo lala galay shirkadda COASTLINE EXPLORATION LTD.

Farmaajo ayaa sheegay inuusan waxba kala socon heshiiskaas, isla markaana aan lagala tashan.

Sidoo kale Qoraal kooban oo ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Dalka ayaa lagu caddeeyay in heshiiska uu Wasiirka Batroolka saxiixay ee la xariirta arrimaha shidaalka uu yahay mid baal marsan sharciga dalka, isla markaana uu Ra’iisul Wasaaruhu qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA XAFIISKA MADAXWEYNAHA

WAR-SAXAAFADEED

Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka waxay caddeynaysaa in heshiiska uu saxiixay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta uusan wax wadatashi ah kala yeelanin Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Iyadoo la tixraacayo wareegtadii uu Madaxweynuhu soo saaray 7dii August 2021 taasoo lagu joojiyay inaan la gali karin wax heshiisyo ah xilligan lagu jiro doorashooyinka, waxaan halkan ka caddeynaynaa inuusan dhaqan gal ahayn heshiiska uu haatan soo saxiisay Wasiirka Batroolka.

Madaxweynuhu wuxuu mar kale farayaa dhammaan hay’adaha Dowladda inay ka fogaadaan xilligan xasaasiga ah in hantida dadweynaha looga faa’iideysto si aan u adeegaynin danta guud, qof walbana lagula xisaabtamayo ku takrifalka hantida qaranka.

Madaxweynuhu wuxuu adkaynayaa in hay’adaha dowladda ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo dhaawici karta sumcadda dowladda iyo hay’adaheeda.

DHAMMAAD

- Advertisement -