Qaar kamid ah Taliyaasha Saldhigyada booliiska G/Banaadir oo isbadal lagu sameeyay

Taliska ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa isbadal ku sameeyay qaar kamid ah Taliyaashii saldhigyada booliiska degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana xilka laga qaaday taliyaal hore halka kuwa cusubna la magacaabay.

Sida aan Wararka ku helnay waxaa xilka laga qaaday taliyeyaashii saldhigyada Booliska degmooyinka  Howl wadaag, Heliwaa, Yaaqshiid iyo Dharkeenley, waxaana saldhigyadaasi loo magacaabay taliyaal cusub.

Taliska ciidanka booliiska ayaa sidoo kale xilka ka qaaday  taliyihii qeybta Galbeed ee Booliska Col. Qaasim Axmed Rooble, waxaana lagu bedelay sargaal kuxigeen u ahaa oo lagu magacaabo Yuusuf Xundubey .

Qaar kamid ah taliyaasha booliiska saldhigyada gobolka Banaadir ayaa loo magacaabay saraakiil dhalinyaro ah oo booliiska kusoo biiray, waxaana isbadalkan lagu sameeyay taliyaasha saldhigyada lagu doonayaa in lagu dar dar galiyo xaqiijinta amaanka Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -