Allbanaadir.com
NEWS

Cali Guudlaawe oo furay Kalfadhiga Baarlamanka Hirshabelle (Sawirro)

Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa maanta si rasmi ah u furay Kal-fadhiga 16-aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle.

Munaasabadda furitaanka waxaa goobjoog ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), Guddoonka Baarlamaanka, Xildhibaanada Dowladda Hirshabeelle iyo Wafdiga labada aqal ee Baarlamaanka JFS.

“Waa inoo furan yahay kal-fadhiga 16-aad ee Baarlamaanka Dowladda Hirshabeelle. Howlaha hor-tebinta idiin leh inaad dardargelisaan ayaan rajeynayaa haddii uu Alle idmo.”

Gabogabadii Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa ugu mahadceliyay wakiilada Dowladda Hirshabeelle sida ay uga qeybqaateen dagaalka dib u xorreynta.

Related posts

Wufuud caalami ah oo beri ku wajahan Dhuusamareeb & amniga oo la xoojiyey

Caydiid Ali

Qodob Farmaajo aad uga soo horjeedo oo laga yaabo in lagu bedelo Shirka Muqdisho

Cabdi Cade

Xamse Barre oo dhibaatooyin taagan kala hadlay Mafalda Duarte iyo wafdi la socday (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---