Allbanaadir.com
NEWS

RW Ku-xigeenka oo furay shir arrin Muhiim ah looga hadlayo

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS ayaa daah-furay madasha horumarka oo looga hadlayay dajinta qorshaha kobaca iyo isbedelka dhaqaalaha dalka ee deyn cafinta kadib.

Shirkan oo uu soo qaban qaabiyay machadka Heritage oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa lagu gorfayn doonaa xaaladda dhaqaale ee dalka iyo sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha dalkeenna.

Mundane Saalax ayaa madasha ka sheegay muhiimadda ay leedahay in dood noocan ah la yeesho iyo in Xukuumadda Dan Qaran ay ahmiyad wayn siisay horumarka dhaqaalaha dalka.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS ayaa sheegay in dakhliga dalkeennu kor u kacay  %56,  oo ka dhigan in horumar wayn laga sameeyey dhinaca korodhka dakhliga iyo horumarka dhaqaalaha guud, waxa uu sidoo kale xusay in dalka deyntii laga cafiyay oo ka dhignayd guul wayn oo Soomaaliyeed.

Related posts

Kumanaan qof oo ka qaxay gobolka Alberta & xaalad deg deg ah la soo rogay (Sawirro)

Caydiid Ali

Iran oo duqeysay saldhigyo ay leeyihiin ciidanka Israel & xaalada oo sii cakirmeysa

Caydiid Ali

Israel oo si adag uga hor timid Qorshaha Internetka Starlink loogu xiriirinayo Qasa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---