Iran oo duqeysay saldhigyo ay leeyihiin ciidanka Israel & xaalada oo sii cakirmeysa

Waxaa weli socda weerarkii xalay Iran ku qaaday Israel kaasoo loo adeegsaday boqolaal dayuuradood oo Drone ah iyo gantaalo loo yaqaano Criuse ee meelaha fog wax ka dila.

Afhayeenka Ciidamada Militariga Israa’iil Daniel Hagari ayaa sheegay in ay iska difaaceen weerarkii kaga yimid Iran.

“Tiro gantaal ah oo Iran ay gantay ayaa ku dhacay gudaha dhulka Israa’iil, kuwaas oo waxyeello yar u geystay saldhig milatari oo aan wax khasaare ahi ka dhalan. Hal gabadh oo keliya ayaa dhaawacantay, waxaana rajaynaynaa inay bogsato,” ayuu yiri Hagari.

Dhanka kale, waxa uu carabka ku adkeeyay in weerarku uu socdo, waxa uuna sheegay in milatariga Israel heegan ugu jiraan sidii ay isaga difaaci lahaayeen weerarka Iran.

Hase ahaatee Saldhigga diyaaradaha Ramon ee Israel oo ahaa kii laga weeraray qunsuliyadii Iran ku lahayd Suuriya ee saraakiisha muhiimka ah lagaga dilay Iran ayaa lagu soo waramayaa in la duqeeyey sida ay ku waramayso warbaahinta Iran.

Dhanka kale Gantaalada Ballistic-ga ah ee ay rideen Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan ayaa bartilmaameedsaday Saldhigga Ciidanka Cirka ee Navatim oo ku yaalla Koonfurta dhulka Israa’iil xooga ku haysato.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa la filayaa inuu la hadlo ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ka dib weerarkii Iran ay ku qaadday Israa’iil, sida ay sheegeen laba sarkaal oo Mareykan ah.

Wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga ayaa walaac ka muujisay xaalada taagan iyo cawaaqibta ka dhalan karta weerarradii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran iyo gantaallada lahaa ee Iran ku qaaday Israa’iil sida lagu sheegay bayaan lagu daabacay  bogga ay Wasaaraddu ku leedahay barta X.

Gantaalo fara badan ayaa ku dhacay qeybo badan oo ka tirsan Israel kuwaasoo jahwareer ku riday nidaamka difaaca Israel, waxaana gantaaladaas Iran ka sokow soo riday Xisbulah iyo kooxda Xuutiyiinta Yemen, waxaana weli soo baxaya faahfaahinta ku saabsan khasaaraha au geysteen gantalaadaas.

- Advertisement -