Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo Weerar Khasaaro geestay ka fulisay Gudaha Kenya

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa saakay weerar khasaare geestay ku qaaday ciidamo katirsan booliiska dalka Kenya oo marayay wado isku xirta Jaziirada Lamu iyo magaalada Mombasa.

Weerarkan ayaa la sheegay in Al Shabaab la beegsadeen Ciidamo katirsan booliiska Kenya oo galbinayay basas kusii jeeday magaalada Mombasa , waxaana gaadiidkaasi Al Shabaab ku fureen rasaas xoogan.

Sida ay ku warameen Warbaahinta dalka Kenya hal qof ayaa ku dhintay weerarkan ,waxaa sidoo kale lagu dhaawacay shan askari oo katirsan ciidanka booliiska Kenya ee weerarka gaadmada ah lagu qaaday.

Al Shabaab ayaa sidoo kale la sheegay in ay gubeen gaadiid ay wateen ciidanka booliiska Kenya, waxaana meesha uu weerarku ka dhacay ka baxsaday dagaalyahandii weerarka ku qaaday booliiska Kenya.

Dagaalyahanada Al Shabaab ee ku sugan qeybo kamid ah dalka Kenya ayaa marar badan weeraro ka geestay deegaano katirsan Jaziirada Lamu, waxa ayna weeraradaasi ku dileen ciidamo katirsan dowlada Kenya iyo waliba dad shacab ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xisbiyada Sahan iyo Wadajir oo ka hadlay go’aanadii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb

admin

Sadex Dowladood oo dhax dhaxaadin ka dhax wada Somalia iyo Imaaraadka iyo Wasiir Cawad oo …

Cabdi Cade

Waa kuma Ninka Muslimka ah ee laga yaabo inuu noqdo RW cusub ee Britain?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---