Allbanaadir.com
NEWS

Taliyaha ciidanka Dhulka oo la dardaarmay askar loo diyaariyey dagaalka Al-shabaab

Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed  Gen Dayax Cabdi Cabdulle ayaa kormeeray Taliska guutada 17-aad ee kumaandooska Gorgor.

Taliyaha ayaa la kulmay saraakiisha hoggaaminta ciidanka isagoo xusay muhiimada gudashada waajibaadka dhameystirka dagaalka lagula jiro Al shabaab.

Taliyaha ciidanka dhulka ayaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ku amaanay sida qabka iyo kartida leh ee ay u gudanayaan waajibaadkooda Qaran.

Waxaa uu kula dardaarmay ciidanka Gorgor inay laba laabaan howlgalka dalka looga sifeynayo Al-shabaab oo uu sheegay inuu hadda galayo wajigiisa labaad.

Related posts

(Sawirro) Nin nolosha ku gubay gabar xiriir Jaceyl u jartay iyo caro ka dhalatay

Caydiid Ali

Magacyada Sadex nin oo dil geestay oo lasoo bandhigay iyo baadi goob loogu jiro

Cabdi Cade

Madaxtooyada Somalia oo cadaadis xooggan ku heysa Taliye Odowaa Yusuf Raage

Caydiid Ali
Taboola Ads ---