Allbanaadir.com
NEWS

Xuutiyiinta oo Gantaal la helay Markabka MV Groton (Sawirro)

Dowladda Jabbuuti ayaa soo bandhigtay Markab laga leeyahay Liberia oo lagu magacaabo ‘MV Groton’ kaasoo maalmo ka hor ay gantaal la heleeb Xuutiyiinta Yemen, xilli uu kala gooshayey dekedaha Dubai iyo Jiddah.

Ma jiro wax khasaare nafeed ah oo markabka laga soo weriyey marka laga reebo burbur baaxad leh oo gaartey.

Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay Sabtidii 3/8/2024 gantaal nooca balaastiga ah ay la beegsadeen kuna gubeen markab sitay calanka dalka liberia kaasoo marayay Gacanka cadmeed.

Xuutiyiinta Yemen oo taageero ka heleya Iiraan ayaa dhuunta u galay Maraakiibta mara Badda-cas iyo Gacanka Cadceed, iyagoo baadi-goobaya kuwa u socda ama ka yimid dekedaha Israa’iil.

 

Related posts

Madaxweyne Deni oo Magacii ka bedelay Mid ka mid ah Wasaaradaha Maamulkiisa

Caydiid Ali

Dhalinyaro careesan oo maanta Banaan bax ka dhigay Taalada Daljirka Dahsoon

Cabdi Cade

Xassan Shiikh oo safarkii 3aad muddo bil ah dibeda ku aaday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---