Allbanaadir.com
NEWS

Israel oo War ka soo saartay dilkii Ismacil haniya

Israa’iil ayaa markii u horreysay war ka soo saartay dilkii argagaxa ahaa ee loo geystay hogaamiyihii siyaasada kooxda Xamaas Ismacil Haniya oo lagu dilay magaalada Tehran

Iran ayaa weerarkaas ku eedeysay qorsheysay Israel, iyadoo wacad ku martay iney ka aargudan doonaan

Balse Israel waxay sheegtay habeenkii uu dhacay howlgalka lagu dilay hoggaamiyaha Xamaas, Ismaaciil Haniyeh inaysan qaadin wax weerar cirka ah ama gantaal isaga gudbay bariga dhexe.

“Waqtigaas weerarkii duqeynta Beirut ayuu ku ekaa howlgal ka baxsan Qasa oo ay dibadda ka fulisay Israa’iil ma jiro” ayuu yiri afhayeenka ciidanka Israa’iil Daniel Hagari.

Afhayeenka oo la weydiiyey iney israel fulisay weerarkaas ayaa ka gaabsaday inuu ka jawaabo, isagoo aan qiran ama beeninin.

Hadalkan ayaa u muuqdaa inay Israa’iil  ku oggalaatay warbixinnada New York Times iyo Axios oo sheegay in dilka loo adeegsaday aalad qaraxda oo lagu xiray qolka ay Iran dejisay Haniyeh uusana jirin weerar kaga yimid dibeda.

Related posts

Haweeney 68-sano jir ah oo dhashay labo cunug oo mataano ah !!

Cabdi Cade

Gunter Noote oo tagay Hargeysa lana kulmay Madaxweyne Biixi (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Kenya oo digniin culus ka soo saartay weeraro Al-shabaab ku taageereyso Xamaas

Caydiid Ali
Taboola Ads ---