Allbanaadir.com
NEWS

Kenya oo digniin culus ka soo saartay weeraro Al-shabaab ku taageereyso Xamaas

Kenya ayaa soo saartay digniin uu heerkoodu sarreeyo oo la xiriirta weeraro ay maagan tahay kooxda Al-Shabaab inay ka fuliso dalkaas.

Digniinta ayaa timid maalin kadib markii kooxdu ay taageertay weerarka Xamaas ay ku qaaday Israel oo socda muddo toddobaad ku dhow.

Ciidamada kahortaga weerarada Argagixisada ee Kenya ayaa ka digaya weerar taageerada Xamaas ah oo ay Shabaab ka fuliso Kenya.

Warka kasoo baxay booliska Kenya waxaa lagu sheegay in colaada ka aloosan Israel iyo Falastiin inay saameysay meelo ka baxsan halkaas, islamarkaas na ay abuureyso halis amni oo heer calami ah.

Al-Shabaab kama hadlin weerar u qorsheysan oo ay Kenya ama meel kale ku qaado, laakiin sida caadiga ah, Al-Shabaab horey uma sheegto weerarada iyo waxyaabaha u qorsheysan.

Weerarkii Xamaas oo dhowr weji ka koobnaa ayay hal mar ka wada qaadeen dhulka, cirka iyo badda, waana kii ugu waxyeelada weynaa ee abid soo gaara Israel.

Xamaas oo adeegsaneysa farsamo, qalab iyo hub aysan horey u isticmaalin ayaa qabsaday taanyo, saldhigyo iyo askar Israel ah, iyaga oo sidoo kale afduubtay dad rayid ah.

Dad ka badan kun iyo saddex boqol oo Israel u dhashay ayaa ku dhintay weerarka Xamaas ee socda toddobaadka, halka kun iyo shan boqol oo kale oo Falastiiniyiin ah lagu dilay duqeymaha ay Israel ka wada marinka Qasa.

Related posts

Dowladii uu horkacayey Ra’isul Wasaare Dick Schof oo burburtay

Caydiid Ali

Maxaa ka jira in taliyaha Ciidanka Xooga dalka uu go’doon ku yahay Miyiga Sh/dhexe?

Caydiid Ali

Guddoomiyaha G/Banaadir oo soo fara geliyey muranka Wasaarada Maaliyada & ganacsatada (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---