Ciidamada Israa’iil oo xarig iyo Jirdil kula kacay wariye ka tirsan Aljazeera

Ciidamada Israa’iil ayaa xiray wariyaha Aljazeera Ismail Al-Ghoul oo ku sugnaa xarunta caafimaadka ee Al-Shifa ee magaalada Gaza, sida uu sheegay Aljazeera.

Al-Ghoul iyo shaqaalihiisa ayaa si xun loo garaacay ka hor inta aan la geynin meel aan la shaacin sida ay sheegtay Al Jazeera oo bayaan soo saartay Warka ayaa intaa ku daraya in la burburiyay Satelite-ka Aljazeera ee baahinayay gaadiid iyo kamarado.

“Shabakadu waxay xooga saaraysaa in beegsigani uu u adeegayo sidii xeelad cabsi gelin ah oo ka dhan ah saxafiyiinta si looga hortago inay soo sheegaan dambiyada argagaxa leh ee ay ciidamada gumaysigu u geystaan ​​dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ee Gaza,” ayaa lagu yiri bayaanka Aljazeera.

Dhinaca kale, Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa walaac ka muujiyay xaaladda isbitaalka Al-Shifa ee waqooyiga Gaza halkaas oo uu weli ka socdo howlgallada milateri ee Israa’iil.

Madaxa ururka, Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa ku muujiyay xaaladda ku saabsan qoraal uu soo dhigay X , isagoo yiri: “Isbitaaladu waa inaysan waligood noqon goobo dagaal.”

“Waxaan aad uga walaacsanahay xaaladda isbitaalka Al-Shifa ee waqooyiga  Gaza , taasoo khatar gelinaysa shaqaalaha caafimaadka, bukaannada iyo dadka rayidka ah,” ayuu sii raaciyay.

Falastiini barakacday, Hamada Abdelhadi ayaa CNN u sheegtay in baabuurta ciidamada Israel iyo cagaf-cagafyadu ay burburinayeen oo ay qodayeen cirifyada bannaanka ee dayrka isbitaalka” taas oo qayb ka ah hawlgalka oo bilowday subaxnimadii Isniinta manata ah

Sida laga soo xigtay Ghebreyesus, isbitaalku wuxuu dhawaan ku guuleystay inuu dib u soo celiyo “adeegyadii caafimaadka ee ugu yaraa,” isagoo ka digay in dagaalka halkaas ka jira ama “militeriga xarunta ay khatar gelinayaan adeegyada caafimaadka, helitaanka ambalaasyada, iyo gaarsiinta sahayda nafaha lagu badbaadinayo.

- Advertisement -