Allbanaadir.com
NEWS

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka oo goordhaw Muqdisho ku geeriyooday

Allaha u naxariistee waxaa goordhaw magaalada Muqdisho ku geeriyooday guddoomiyihii hore ee golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaare.

Geerida Maxamed Cusmaan Jawaari waxaa warbaahinta qaar u xaqiijiyay qaar kamid ah eheladiisa, waxaana la sheegay in Jawaari muddooyinkii dambe uu xanuunsanaa una geeriyooday xanuunkaasi.

Masuuliyiin katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, siyaasiyiin iyo qeybaha bulshada ayaa si weyn uga naxay geerida guddoomiye Jawaari, waxaana baraha bulshada qabsaday tacsida geerida Jawaari.

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ku geeriyooday da’da 79-sanno jir, waxa uuna labo mar soo noqday guddoomiyihii Baarlamaanka Soomaaliya, waxa uu sidoo kale soo qabtay xilal kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Erdogan oo Shuruud adag mar kale ku xiray Sweden si ay NATO ugu biirto

Cabdi Cade

Villa Somalia oo Rooble ku cadaadineysa in uu xil ka qaadis sameeyo iyo Beesha Caalamka oo diidan in ay…

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo khudbad u jeediyey ciidamo loo diyaariyey xoreynta J/dhexe (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---