Allbanaadir.com
NEWS

Musiibo dad badan ku dhinteen oo ka dhacday dalka Itoobiya

Deegaanno dhaca koonfurta dalka Itoobiya waxaa ka dhacay dhul go’ sababay in ay dad badan ku dhintaan , kaddib markii roob mahiigaan ah oo Axadii halkaasi ka da’ay sababay in uu dhulku go’ ayna aasmaan guryo badan oo la deganaa.

Afhayeenka maamulka degmada Gofa ee ismaamulka Gobolka Koofureed ee Itoobiya Kassahun Abayneh, ayaa sheegay in roobkii da’ay Axadii uu sababay musiibo, waxa uuna xusay in guryo badan ay aasmeen kana hoos mareen dhoobada.

Inta la xaqiijiyay musiibadan ka dhacday koonfurta dalka Itoobiya waxaa ku dhintay 50-qof oo isugu jiray haween, carruur iyo askar katirsan deegaanka, waxaana jira cabsi laga qabo in khasaaraha in hadda la og yahay uu kasii bato.

Khasaaraha dhimasho ayaa yimid kaddib markii la sheegay dad badan oo ay ku jiraan askar isugu yimaadeen goob uu ka dhacay dhul go’ labaad, waxaana dadkii halkaasi joogay ka hoos mareen dhoobada iyo biyaha roobka.

Dowladda Itoobiya ayaa bilowday dedaalo loogu gurmanayo dadka kunool deegaannada musiibada ay ka dhacday, dad badan ayaana laga daad gureeyay deegaannada dhul go’ ka dhacay , si aysan mar kale dhibaato u gaarin dadkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland oo wax badan ka duwanaan doona kuwii hore

Cabdi Cade

Xamaas oo shaacisay in konton ka mid ah Maxaabiistii ay Gaza ku hayeen la dilay

Caydiid Ali

(Akhriso) War Murtiyeed rasmi ah oo ka soo baxay shirkii Jabuuti & khalad dhacay oo la saxay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---