Dal Somalia deris la’ah oo noqday Waddanka Adduunka ugu barakacayaasha badan

War ay soo saartay Xarunta caalamiga ah ee dabagalka barakacayaasha dalka gudihiisa (IDMS) ayaa waxay ku sheegtay in lixdii bilood ee ugu horeysay sanadkan 2018-ka oo keli ah inay dad aad u tira badan dalka Itoobiya gudihiisa ku barakaceen.

Qiyaastii 1.4 milyan oo qof oo colaadda Itoobiya ka dhacay ku barakacay ayaysan dowladdu waxba u qaban sida lagu sheegay warka ay soo saartay IDMS

Madaxa hay`adda NRC ee gobolka Nigele Tirics wuxuu sheegay in xukuumadda Addis Ababa aysan ahmiyad siin dhibaatada dalka gudihiisa ka taagan, beesha caalamkana ay indhaha ka qabsadeen.

Dadka ugu badanna waxay ku barakaceen colaaddii ka dhex dhacday beelaha Oromada iyo Soomaalida, iyadoo dadka ku barakacay dagaallo beeleedyadaasi ay kor u dhaafeen 1.4 milyan oo qof.

Barakacayaasha ayaa doonaya inay deegaanadii ay ka soo qaxeen dib ugu noqdaan, balse dhibaatada taagan ayaa waxay tahay ayuu yiri Mr Trics, dadka oo fara maran, hoyna uusan ka horreyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -